Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, Saraakiil ciidan iyo xubno kale ayaa tagay qaar ka mid ah goobahaas oo dabagal badan oo la sameeyay lagu soo ogaaday in uu yaalo bur badan oo tayadiisu ay xumaatay ka gadaal markii bakhaaro lagu keydiyay kadibna albaabada loo laabay.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Ibraahim Xassan Cabdi ayaa sheegay in ay shatiga ganacsi kala noqonayaan goobtii ganacsi ee lagu arko wax dhacsan ama tayadisu xumaatay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor sheegay in qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Kismaayo ay keydiyaan raashiinka ay soo dejiyaan iyagoo sugaya in qiimihiisu sare u kaco taasoo keenta buu yiri raashiinka tayadiisu xumaato maadaama aan lagu keydinin heerkulkii loogu talo galay.