Dowladda Soomaaliya ayaa saakay soo bandhigtay ciidamo la sheegay in ay katirsanaayeen kuwa Jubbaland, kuwaa oo isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Raaskanbooni.
War kasoo baxay maamulka Jubbaland oo uu baahiyay TV-ga maamulkaasi ayaa lagu sheegay in ciidamada doomanka watay ee saakay lasoo bandhigay aysan aheyn kuwa katirsan Jubbaland, waxa uuna xusay in ciidankaasi yihiin kuwa dowladda geysay Raaskanbooni oo marba doon koox la saarayo laguna duubayo.
’’Goor hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal sadex Doomood oo sidda ciidan lagu sheegay in ay yihiin kuwa daraawiishta Jubaland, hayeeshee aysan ciidankaasi aheyn ciidan Jubaland ka tirsan. Ciidankaan ayaa ah ciidamadii Diyaaradaha lagu geeyay deegaanka Raas-kaambooni, kuwaas oo hadba koox inta doon la saaro la leeyahay waxa ay iska soo dhiibeen ciidamada Jubaland’’ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jubbaland.
Warka kasoo baxay Jubbaland, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay warbaahinta u isticmaaleysay maalmihii kasoo dhaafay sumcad dilka ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland .
‘’Warbaahin uu isticmaalaayo Eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmahanba waday sumcad dilka, qeybaha kala duwan ee ciidamada Jubaland kuwaas oo sida caadiga ah kujira howlahoodi shaqo ee ay dadka iyo deegaanka u hayeen’’ ayaa lagu yiri warka Jubbaland kasoo baxay.