Heemaal News Network

Kenya Oo Xabsiga U Taxaabtay Rag Looga Shakiyay Kufsi Naxdin leh.

Booliska Kenya ayaa waxay xabsiga u taxaabeen ilaa iyo todoba ruux oo looga shakiyay in ay geysteen haweeneey gobolka Bomet ee Kenya.

Muuqaal aad u baahay ayaa waxa uu muujinayaa dhacadada oo bishii December ee sanadkii hore ka dhacday tuulada Chebanyi, sida ay boolisku sheegeen.

Muuqaalkaa oo aad ugu dhexfaafay barta X ee horay loo oran jiray Twitter ayaa muujinaya dhawr rag ah oo ku jira qol iftiinka loo gaabiyay iskuna badbadalaya haweeneyda ay kufsanayaan oo qeyladeed la maqlayo.

Muuqaalka ayaa waxa uu naxdin ku noqday dalka oo dhan waxaana jira dad badan oo dalbanaya in cadaaladda la horkeeno ragga.

Booliska ayaa sheegay Khamiistii in ay qabteen tuhmanayaasha kiiskaan kadib baaritaan ay sameeyeen.

Laba ka mid ah tuhmanayaasha ayaa la aqoonsaday, iyaga oo boolisku sheegeen in lagu daba jiro kuwa kale.

Booliska ayaa sheegay in ay maxkamad geyn doonaan tuhmanayaasha iyaga oo baaritaan dheeri ah ku sii samayn doona.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhigiisa Kenya kala Hadlay Arrimo Muhiim ah (Sawirro)

Heemaaln

Kenya Oo ku Hungowday Inay Wada-hadal-siiso Madaxda Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln

Kenya iyo Itoobiya Oo Heshiis Iskaashi kala Saxiixday

Heemaaln