Heemaal News Network

Khaatumo Oo Markii Ugu Horreysay Lagu Casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Maamulka SSC Khaatumo , ayaa lagu casumey inay markii ugu horraysay si rasmi ah qayb uga noqdaan shirka madasha wadatashiga Qaran ee u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Laascaanood kaga dhawaaqay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka madasha MCC si rasmi ah ugu casuumey maamulka SSC KHATUMO lana soo gaarsiiyey hoggaamiye Firdhiye.

“Hoggaamiyaha waa sheekaysanay waxaana farxad ah in markii ugu horraysay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si rasmi ah ugu casuumey shirka madasha MCC oo ay ka qaybgeli doonto SSC KHATUMO”, RW Xamse Cabdi Barre.

Shirka golaha wadatashiga Qaranka , ayaa lagu wadaa in 1 da bisha May ka furmo Villa Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeyb geli doonin Puntland iyo Jubbaland, halka markii ugu horreysay shirkan lagu casuumay maamulka Khaatumo.