Heemaal News Network

Khamri tiro Badan oo Lagu Qabtay Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ee ka howlgala koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta kusoo dhigay maandooriyaal aad u badan oo magaalada lasoo galiyay,

Maandooriyaha ciidamada qabteen oo ah khamri nuucyo kala duwan ayaa loogu tala galay in magaalada Gaalkacyo lagu iibiyo qaarkoodna loo sii qaado deegaanno kale oo katirsan gobolka Mudug.

Saraakiisha booliiska koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay gacan adag ku qaban doonaan kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, waxa ayna tilmaameen in deegaannada ay joogaan mamnuuc ka tahay khamriga iyo maandooriyaasha kale.

Gobolada dalka qaarkood waxaa kusii badanaya isticmaalka khamriga oo dalka loo soo galiyo qaab qarsoodi ah, waxa uuna maandooriyahan dhibaato badan ku hayaa dhallinyarada iyo dadka kale ee isticmaala.