Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay xalay ku qaaday xeebta Liido, kaasoo lagu xasuuqay dad shacab ah oo halkaas ku fiidsanayey.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji ayaa ku dhawaaqay in weerarkii Al-shabaab ka geysatay xeebta Liido ay ku dhinteen 40 ruux halka dhaawaca uu yahay 247 ruux.
“11 ruux ayaa xaaladoodu daran tahay oo ku jira qeybta gurmadka degdegga ah (ICU) waxaana guryahooda loo diray ka dib daaweyn loo sameeyey 137 ruux” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.
Waxaa uu intaas ku daray iney ku dedaalayaan sidii caafimaad dibeda ah loogu diri lahaa dadka ay xaaladoodu liidayo iyagoo kaashanaya walaalaha dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.
Isbitaalada Muqdisho ayaa 24kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa buux dhaafiyey dhaawacyo fara badan iyo dad boqolaal gaaraya oo baadi goobaya eheladooda oo ay ugu war dambeysay iyagoo ku sugan xeebta Liido.
Kooxda Al shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarkan ayaa u muuqata iney markan si toos ah u beegsaneyso goobaha shacabku ku badan yahay sida Maqaayadaha, iyadoo weerarkan kii ka horeeyey oo qaraxyo loo adeegsaday lagu weeraray Maqaayad ku taalla agagaarka taalada daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaana sidoo kale ka dhashay.