Heemaal News Network

Khilaaf soo kala dhex galay Xamse Barre Iyo ku-xigeenkiisa

Khilaaf iyo muran ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay RW Xamse Barre iyo ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in murankan oo salka ku haya arrimo dhinaca maamulka ah uu saameeyey shirkii Golaha Wasiirada ee maanta dhacay.

RW ku-xigeenka ayaa la sheegay inuu isku dayey gudoominta shirka isagoo aan amar ka heysan Raisul Wasaaraha oo ku qornaa inuu shirka hogaamiyo ka dib markii Xamse Barre oo saaka ku soo laabtay dalka uu ku soo daahay garoonka Aadan cadde.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa la sheegay iney saacado badan fadhiyeen hoolka shirka, wuxuuna shirku ku sigtay inuu baaqdo.

Xamse Barre ayaa markii uu soo gaaray hoolka shirka si kulul u canaantay ku xigeenkiisa oo isku dayey inuu shirka furo, maadaama uu soo daahay Xamse Barre oo ku qornaa inuu shirka gudoomiyo, ilo wareedyo goob joob ah ayaa sheegay in labada masuul ay ereyo kulul is dhaafsadeen.

Ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in Xamse iyo ku xigeenkiisa aysan in muddo ahba isku wanaagsaneyn sababo la xiriira muran dhinaca maamulka ah.

Khilaafka labada dhinac ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu qeyb ka yahay aqoonsiga KMG ah ee DF siisay Maamulka SSC Khaatumo iyo casuumaadii loo fidiyey hogaamiyaha Maamulkaas Firdhiye oo booqasho ku yimid Muqdisho

Wararka qaar ayaa sheegaya in xiligii uu Saalax ahaa Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada uu mushaharka ka jaray RW Xamse oo xiligaas la taliye ka ahaa Wasaaradda halkaasoo la sheegay inuu ka soo bilowday dagaalka labada masuul u dhexeeya.