Kolonyada doonaysa in ay jebiyaan go’doominta Qasa ee ka soo baxday Tunuusiya oo ay soo raaceen Aljeeriya, Mauritania, Morocco ayaa hadda maraya Liibiya; iyada oo dalka ay dad hor leh ka sii raacayaan, waxa ay ku wajahan yihiin Masar oo ay uga sii gudbayaan xadka Rafax oo ay Qasa ka geleyaan.
Kolonyadan ayaa ka kooban; Dhakhaatiir, arday, weriyaal iyo dad kale, waxayna sidaan; dawooyin & cunto ay u wadaan Qasa oo 20 bilood ku jirta; go’doon dhul, cir & bad ah ayna afka ka qabsadeen dunidii.
Xukuumadda Masar ayaa laga cabsi qabaa in ay hor istaagto kolonyadan, hase yeeshee dhaqdhaqaaqa gurmadka Qasa waxa uu ka bilowday ilaa gudaha Qaahira.
Soomaali goormee u gurmanaysaa Qasa?