Maamulka Gobolka Bakool ayaa magaalada Xudur ku qabtay banaanbax taageero loogu muujiyey Ciidamada Ethiopia ee ku sugan degaanada Koonfur galbeed Somalia.
Waxaa banaanbaxan ka qeyb galay masuuliyiin ka kooban heer gobol iyo heer degmo iyo dadweyne ayaa sidoo kale waxaa looga soo horjeeday in dalka keeno ciidamo ka socda dowlada Masar oo DF qorsheyneyso iney bedelaan ciidamada Itoobiya ee jooga dalka.
Masuuliyiinta ka hadashay goobta ayaa sheegay ineysan iyagu quseynin bad la qaato iyo dhul la qaato maadaama aysan aheyn bad ku taalla koonfur Galbeed, ayna doonayaan iney dalka sii joogaan ciidamada Itoobiya oo dowladoodu si cad ugu xad gudubtay midnimada dhuleed ee Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in banaanbaxan ay soo abaabuleen ciidamada Itoobiya ee goboladaas ku sugan oo taageero ka helaya Maamulka Koonfur galbeed ee uu hogaamiyo Laftagareen oo isagu ciidamadaas ku ilaashanaya xukunkiisa.
Arrintan uu ku kacay maamulka laftagareen ayaa waxay halis ku tahay qaranimada Somalia, iyadoo DF looga fadhiyo iney talaabo cad ka qaado maamulka Laftagareen oo si cad u taageeray dal cadow ku ah midnimada Somalia.
Itoobiya ayaa xalay sheegtay in DF aysan ka talin dalka oo dhan, uuna xukunkeedu ku kooban yahay magaalada Muqdisho oo kaliya, waxayna itoobiya haatan u muuqataa iney arrintaas ka dhabeyneyso.