Heemaal News Network

Kooxo Israa’iiliyiin ah Oo Gubay Guryo iyo Gaadiid ay Leeyihiin Falastiiniyiintu

RAMAALLAH, Daanta Galbeed – Kooxo Israa’iiliyiin ah oo budhcad ah oo wejiyada soo duubtay ayaa weeraro ka geystay deegaan u dhow magaalada Qalqiya ee ku taalla Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta, waxaana kooxdan budhcadda ahi ay gubeen gaadiid kala duwan, halka ay dileen ugu yaraan hal qof, sida ay sheegeen masuuliyiin kala duwani.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in qof Falastiini ah in la dilay halka mid kalena si xun loo dhaawacay, ka dib markii koox budhcad ah oo ah dadka Israa’iiliyiinta ah ee dhulkaas la dejiyey ay rasaas ku fureen tuuladan.

Tallaabadan ayaa ah, tii ugu dambaysay ee falal budhcadnimo ah oo kooxaha Israa’iiliyiinta ee dhulkan xoogga lagu dejiyey ay ka geysanayaan Daanta Galbeed.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyey muuqaallada, gaadiid iyo guryo gubanaya, ka dib markii weerarkaasi dhacay.

Aqalka Cad ee dalkan Maraykanka ayaa dhaleeceeyey weerarkan ay kooxaha Israa’iiliyiinta ee dhulkan la dejiyey ay ku qaadeen shacabka reer Falastiin, waxaana Aqalka Caddi uu ku baaqay in weeraradan ka dhacay Daanta Galbeed inay yihiin kuwo aan la aqbali karin, ayna tahay in la joojiyo.

Aqalka Cad ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Israa’iil inay qaadaan tallaabooyin ay ku ilaalinayaan bulshada halkaa ku dhaqan, inaan wax dhibaato ha la soo gaadhsiin oo ay ku jiraan inay qaadaan taallaabooyin ay ku joojinayaan falalkan gacan ka hadalka ah, isla markaana in lala xisaabtamo cidda ku kacday.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in unugyo ka tirsan ciidamada booliska iyo Milaterigu inay arrintan soo farogeliyeen, isla markaana ay xabsiga dhigeen ugu yaraan hal qof oo Israa’iili ah. Waxayna cambaareeyeen falkan.

Reuters