Heemaal News Network

Ku: Dhamaan Ardayda Danaynaysa Barashada Xirfada Gacanta Ee Gobolka Awdal.

Ujeeddo: Deeq Waxbarasho { Farsamada Gacanta}

Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku Waxa ay Ogaysiinayaa Dhamaan Ardayda Reer Somaliland Gaar ahaan Gobolka Awdal Ee Danaynaysa Barashada Xirfadaha Farsamada Gacanta in ay Timid Deeqdii Waxbarashada ee Xirfadaha Farsamada Gacanta ee uu Dalka itoobiya Siin Jiray Ardayda Reer Somaliland.

Tirada Deeqdan waxbarasho ee Farsamada Gacanta ayaa dhan 70 arday ee Barashada heerka koowaad (Bachelor degree) ee farsamada gacanta.

Haddaba, waxa ay Wasaarada waxbarashadu ku wargelineysaa dhamaan ardayda danayneysa deeqdan waxbarasho waxaa looga Baahan Yahay in ay Soo Buuxiyaan Shuraadahan Hoose ku Qoran.

Shuruudaha laga Rabo Ardeyda Danaynaysa Deeqdan Waxbarasho.

1. In uu yahay Muwaadin reer Somaliland oo sita kaadhka dhalashada Somaliland.
2. In uu sito shahaadada dugsiga sare ee farsamada gacanta ama Shahaado dugsi sare oo Heerkeedu Yahay A iyo B.
3. In uu soo qoro codsi ay ku cadahay Kulliyadda uu ardaygu codsanayo.
4. In uu sito warqada cadayta dembi la’aanta.
5. In uu sito warqada Caafimaadka.
6. In uu sito warqad akhlaaq wanaag ah oo uu soo cadeeyey maamulka dugsiga uu ka soo baxay.
7. In uu sito laba sawir oo kur ah
8. In uu diyaar u yahay inuu galo imitixaan lagu tijaabinayo fahamka ardeyga.
Goobaha lagu xaraynayo codsiyada.

Ardey kasta oo buuxiya shuruudaha kor ku xusan waxa uu codisigiisa ku soo xaraynayaa xafiiska waaxda farsamada gacanta ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska (Boorama) laga bilaabo maalinta Isniinta oo ay taariikhdu tahay 22/1/2024 ilaa 28 /1/2024.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo ka Doodaya wax ka Beddelka Qodobada Dastuurka

Heemaaln

Shacabka Muqdisho Oo ka Hadlay In Dowladda Turkiga Lagu Wareejiyo Badda Somaaliya

Heemaaln

Liibaaxyo Qoladooda La Garanwaayay oo Hargeysa Ku Soo Duulay

Heemaaln