Heemaal News Network

Ku-sime Lugatoor Oo ka Farxiyey Maxaabiis ku Xirxiran Qaar ka mid ah Xabsiyada Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan lugatoor ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr 06, April 08, 2024: kuna saabsan Cafis Maxaabiis Fadliga bisha Ramadaan darteed.

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka.

Markuu Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad

Markuu Arkay:- Talo soo jeedinta Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland Puntland.

Markuu Tix geliyey:- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Wuxuu Cafis u fidiyey Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 50 Maxbuus oo ku kala jira Xabsiyada kala duwan ee Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu saxiixo Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, wuuna saxiixay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dhageysiga Kiiska Edeysanayasha loo Heysto Dilka Labadii Wiil Ee Walaaha ahaa Oo..

Heemaaln

Maamulka SSC Oo Ku Dhawaaqay inay Maxkamadaynayaan Maxaabiista Somaliland Ee ku Xidhan….

Heemaaln

Xukun Dil ah Oo Maanta Lagu Fuliyay Ninkii Laascaanood ku Dilay Korneel..(Sawirro)

Heemaaln