Dad aad u tiro badan oo Falastiiniyiin ah, oo qaarkood sita dhallaan ama riixaya kuraasta curyaamiinta, ayaa iyaga & alaabtoodii ku dhex lugeeyay waddo badda dhinac marta taasoo wax weyn ka beddeshay xaalada waqooyiga oo dad badan ay ka baqayeen in Israa’iil ay joogto.
Muuqaallada ayaa muujinayay dadka oo u sii socda dhanka waqooyi siddeed saacadood ka dib markii la furay isgoysku. Waxa dusha sare ka eegayay taangiyada Israa’iil oo dul saarnaa buur u dhow.
Falastiiniyiinta waxay aad u xiiseeyaan inay ku noqdaan guryahoodii – in kasta oo ay u badan tahay inay waxyeelo soo gaadhay ama la burburiyay intooda badan.
Yasmiin Abu Amshah, waa hooyo leh saddex carruur ah, waxay sheegtay inay soo lugaysay 6 kilomitir (ku dhawaad 4 mayl) si ay u gaadho gurigeeda oo ku yaal woqooyiga magaalada Gaza, halkaasoo ay ka heshay burbur. Waxay sidoo kale aragtay walaasheed ka yar markii ugu horeysay muddo sanad ka badan.
“Waxa uu ahaa safar dheer, laakiin farxad leh,” ayay tiri.
Soo noqoshada ayaa sidoo kale loo arkay inay tahay mid lagu diidayo soo jeedintii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in tiro badan oo Falastiiniyiin ah la dejiyo Masar iyo Urdun, taasoo dalalkaasi ay diideen.
Sabtidi ayay ahayd in dadkaas reer Falastiin ay ku laabtaan guryahooda. Tiro dad ah ayaa Sabtida iyo Axadda isku soo baxay, kuwaas oo diyaar u ahaa inay jaraan masaafo dhan 7 kilomitir(4.3 meyl), dhulkaas oo ay Israa’iil maamusho.
Balse Israa’iil ayaa u diiday dadka reer Falastiin inay maraan marinkaas kadib markii Xamaas ay dib u dhigtay siideynta gabar la yiraahdo Arbel Yehub Sabtidi.
Israa’iil iyo Xamaas ayaa haatan ku heshiiyay in Khamiista la siidaayo Yehud iyo lahaystayaal kale oo labo ah, iyadoo Xamaas ay soo bandhigtay cadeyn muujineysa in Yehud ay nooshahay.