Heemaal News Network

Kuuriyada Koonfureed Oo la Galiyay Xaalad Deg deg ah Oo Militari.

Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in xaalad deg deg ah oo militari uu galiyay dalkiisa si looga badbaadiyo inay qabsato Kuuriyada Waqooyi!

Ciidanka militariga Koonfurka Kuuriya ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inuu sii jiri doono sharciga militari ee deg deg ah oo dalkaa uu galiyay Madaxweynaha , tan iyo inta uu ka laabanayo, kaddib markii Baarlamaanka dalkaa oo ay xataa ku jiraan xisbiga Madaxweynaha ay si aqlabiyad leh u ansixiyeen in la laalo, xaaladda deg deg dega ah ee dalkaa la galiyay.

Ciidanka gaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed oo iskudayay inay xoog ku joojiyaan codeynta ayaa ku guul-darraystay , waxayna isaga tageen xarunta, balse waxyar kaddib mar kale ayay hadda ku laabteen xarunta Baarlamaanka oo sidoo kale boqollaal qof oo ku qaylinaya inuu is casilo madaxweynaha ay ku suganyihiin.