Heemaal News Network

La-taliyihii Farmaajo: “Al shabaab Xukunka Lagu Wareejiyo”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladii Farmaajo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa iska diiday in Al shabaab urur argagixiso yihiin isagoo taas bedelkeeda sheegay inay iyaga kaliya la dagaalami karaan Itoobiya.

Cabdisaciid oo sidoo kale horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda iyo la taliyaha Amniga Qaranka ee Dowladii Farmaajo ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyey laanta Soomaaliga ee BBCda

Cabdisaciid ayaa soo jeediyay haddii Madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ay iska dhicin karin damaca guracan ee Abiy ahmed ay meesha u baneeyaan kooxda Al-Shabaab, si ula dagaalaman Itoobiya.

“Abiy Ahmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, haddii aadan iska dhicin karin, rag (Al Shabaab) iska dhicin karaa jiree u banee ” ayuu yiri La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka.

Hadalka Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladii Farmaajo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa fal celin iyo caro xoogan ka dhaliyey baraha bulshada, iyadoo la wada ogyahay in dowladii uu ka tirsanaa aysan dagaalo macno leh la gelin Al shabaab.