Heemaal News Network

Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Aqlabiyad ku Ansixiyay wax ka Beddelka Dastuurka

Baarlamaanka labada Aqal ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay afarta cutub ee wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Afarta cutub ayaa mid mid loo codeeyay, kaddibna afarta cutub oo wada socdo ayey labada aqal ee Baarlamaanka u kala codeeyeen.

212 Xildhibaan Golaha Shacabka ah iyo 42 Aqalka Sare ayaa u coddeeyay wax ka badalka Dastuurka, mana jirin wax diiday ama ka aamusay sida uu Guddoonku baarlamaanku ku dhawaaqay.

Wax ka beddelka qoddobada dastuurka ee uu maanta ansixiyay labada aqal ee baarlamaanka, ayaa waxa ka mid ah, in Madaxweynaha soo socda ay soo dooran doonaan Shacabka Soomaaliyeed, Ra”iisul wasaaruhuna uu magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha Gudidda doorashooyinka iyo Soohdimaha ee Heer federaal ayaa tiradooda laga dhigay 18 xubnood.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka oo horey uga digay meel marinta wax ka beddelka dastuurka, ayaa la sugayaa inay jawaab kasoo saaraan go’aanka baarlamaanka, iyagoo lagu wado inay warbaahinta la hadlaan, kana horyimaadaan go’aanka soo baxay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyay madaxweyne Xasan sheikh qorshaha uu ka leeyahay wax ka beddelka dastuurka in uu yahay, mid uu ku doonayo inuu xilka kusii dheeraysto.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Komishanka Maamul Wanaaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Warqadii Wasiirka Gadiidka SL

Heemaaln

Dowladda Federaalka Oo Amartay in la Xiro Qunsuliyadaha Itoobiya Ee Garowe iyo Hargeysa

Heemaaln

M/Biixi Oo Magacaabay Guddida Fudaydinaya Heshiiska Badda Ee Somaliland iyo Ethopia

Heemaaln