Heemaal News Network

Labbada Gole Ee Soomaliya Oo Loo Qaybiyey Nuqulka Wax Ka Badalka Dastuurka

Baarlamaanka dowlaldda Federaalka Soomaaliya labadiisa gole ayaa maanta loo qaybiyay nuqulka u dambeeya ee soo jeedinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka kumeel gaarka ah.

Qodobbada ugu muhiimsan ee wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, ayaa sheegaya, in dalku yeelanayo Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare uu soo magacaabayo madaxweynaha, xilkana uu ka qaadi karo.

Qodobada kale ee lagusoo kordhiyay dastuurka ayaa kala ah, in muddada xil haynta hay’adda dastuuriga ee dowladda ay noqonayaan shan sano, madaxda dowlad goboleedyada waxaa loogu yeerayaa hoggaamiyayaal, dalkuna uu yeelanayo saddex xisbi.

Maalinta Sabtida ee soo socota ayaa la sheegay in labada gole ee Baarlamaanka ay cod u qaadi doonaan ansixinta wax ka beddelka Dastuurka.

Wax ka beddelka dastuurka waxaa si adag ugasoo horjeeda maamulka Puntland, madaxdii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin xilal kasoo qabtay dowladda, kuwaas oo ka digay in madaxweyne Xasan Sheikh uu dastuurka wax ka beddelo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Baarlamanka Golaha Dhexe Ee Khatumo Oo Ansaxiyey Xeerka Wax ka Bedelka Axdiga SSC

Heemaaln

Farax Macalin Oo ka Hadlay Qorshaha Ay Somaliya ka Baran karto Qorista Dastuurka Kenya

Heemaaln

“Somaliya waxay Dhaxashay Qabiilo Madax Adag Oo kala Madax Banaan.”.Xildhibaan Mahdi Guuleed

Heemaaln