Labo nin oo ganacsato Soomaali ah ayaa lagu dilay deegaanka Awash ee dalka Itoobiya, iyagoo ku sii jeeday magaalada Addis Ababa, xilli ay ku safrayeen waddada isku xirta Jigjiga iyo Addis Ababa oo muhiim u ah isku socodka deegaanka Soomaalida iyo magaalada Addis Ababa.
Warbaahinta maxalliga ah iyo saraakiil ka tirsan deegaanka ayaa laga soo xigtay in dilka ganacsatada oo magacyadooda lagu kala sheegay AUN, Khadar Cilmi Cige iyo Mawliid Maxamed Cabdi ( Mawliid Basra) inay ka dambeeyeen kooxo hubaysan oo ka tirsan jabhadda Canfarta oo waddada u galay gaarigii ay wateen.
Sidoo kale waxaa soo baxaya digniino ay bixinayaan saraakiisha deegaanka iyo warbaahinta, iyagoo kula talinaya bulshada Soomaaliyeed inay hoos u dhigaan safarka gaadiidka ah ee ay ku marayaan waddada Jigjiga iyo Addis Ababa, sababo la xiriira inay si isku mid ah bartilmaameed ugu yihiin jabhadda Canfarta.