Ragga la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Nuur Sandheere (Cabdi Gedow) iyo Cabdullaahu Cusmaan Shidane , waxaana dilay askari isna magaciisa lagu sheegay Axmed Cusmaan Geelle.
Sida aan wararka ku helnay askariga dilka geestay iyo mid kamid ah marxuumiinta ayaa la sheegay in khilaaf dhuleed uu ka dhaxeeyay, waxaana ninkan dilka geestay uu rasaas huwiyay labada marxuum oo mooto wada saarnaa.
Ninka gacankudhiiglaha ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana socda howlgalo booliiska ay ku baadigoobayaan ninka dilka geestay oo la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday.
Dilalka askarta hubeysan u geesanayaan dadka shacabka ah ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana maalmo kahor sidan oo kale askari hubeysan qof shacab ah ugu dilay Dayniile kaddibna baxsaday.