Heemaal News Network

Labo Nin oo Saakay xukun Dil ah Lagula fuliyay Magaalada Hargeysa

Fagaare kuyaalla deegaanka Mandheera ee duleedka magaalada Hargeysa , ayaa saakay xukun dil ah lagula fuliyay labo nin oo lagu helay in si kas ah dilal ugu geesteen saraakiil katirsanaa ciidanka ammaanka maamulka Somaliland.

Maxkamadda ciidamada maamulka Somaliland, ayaa horey xukun dil ah ugu riday labadan nin ee saakay toogashada lagu fuliyay, kuwaa oo maxkamadda ku caddeysay in ay yihiin rag galay dambiga lagu soo eedeeyay laguna caddeeyay.

Xeer-Ilaalinta Guud ee ciidamada Somaliland , ayaa saakay fulisay qisaasta gacankudhiigle ex, Bol, Maxamuud Cali Nuur oo loo qisaasay Marxuum Ex. Gaashaanle, Cabdi Cali Nuur iyo gacankudhiigle Shibil Saalax Isaaq Muxumed oo loo qisaasay marxuum.Ex.Ask.Pol A.le Buux Mawliid Ismaaciil.

Ehelada marxuumiintii ay dileen raggan saakay la toogtay ayaana soo dhaweeyay xukunka qisaasta ah ee saakay la fuliyay, waxa ayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay heleen caddaaladii ay sugayeen oo aheyd in loo qisaaso raggii dilka geestay.