Heemaal News Network

Lix iyo Toban Qof Oo ku Dhintay Doon ku Degtay Xeebaha Jabuuti.

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lix iyo toban qof ay dhinteen, siddeed iyo labaatan qofna la la’yahay ka dib markii ay doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti. IOM ayaa sheegtay in dadka la socday doonida ay ku jireen caruur.

Laba toddobaad ka hor ugu yaraan soddon iyo siddeed qof ayaa ku dhintay shil kan la mid ah oo ka dhacay xeebta Jabuuti.

Saraakiisha ayaa sheegay in tobankii sano ee la soo dhaafay ku dhawaad kun qof la diiwaan geliyay in ay dhinteen ama la la’yahay ka dib markii ay isla safar galeen. Waddadan ayaa caan ku ah dadka tahriibayaasha ah ee ka imaanaya dalalka Geeska Afrika, kuwaasi oo doonaya inay sii maraan dalka Yemen, si ay shaqo uga helaan Sacuudiga iyo dalalka kale ee Carabta.