Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ,ayaa si adag u cambaareyay weerarka gardarada ah ee Israaíil dalkiisa kusoo qaaday, waxa uuna sheegay Madaxweynaha inay Israa’iil isku dayayso inay tijaabiso dulqaadka dawladda Suuriya .
Axmad Sharac, ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay garab istaagaan dowladda Suuriya, isagoo sheegay in weerarrada noocan oo kale ah ay bartilmaameedsanayaan amniga qaranka Suuriya iyo midnimada dadka Suuriya.
Dhinaca kale Wasiirka difaaca Israa’iil, Yisrael Katz ayaa war uu kasoo saaray duqaynta ay ku qaadeen Suuriya uu yir; “ Waxaan saakay duqeyn ka geysanay , halka laga galo madaxtooyadda Suuriya ee Dimishiq, sababtoo ah waxaan ugu talagalnay anniga iyo Netanyahu inan tusno marku hurdada ka soo kaco Axmed Sharac, inaysan Israa’iil kaftamayn oo aysan ka oggolaan doonin xagjirnimo.”
Israaíil ayaa marar badan weeraro gardaro ah ka geesatay gudaha Suuriya, hasa ahaatee weerarkan xalay ku qaadeen meel u dhaw madaxtooyada Suuriyada ayaa xaalada uga sii daray, waxa ayna Israaíil u muuqataa mid dooneysa in dagaal la gasho maamulka cusub ee Suu