Heemaal News Network

M/Biixi Oo Qaabiley Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa Ee la Socday Doorashada Somaliland

Hargeysa-14-11-2024-()-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay goob-joogayaashii caalamiga ahaa ee ka socday dalal caalamka ee u yimi doorashooyinkii dalka ka dhacay shalay.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa warbixino ka dhegeystay Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee dalka u yimi inay qiimeeyaan lana socdaan habsami u socodka doorashooyinka Axsaabta ururada, Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo dalka si nabadgelyo ah uga qabsoontay 13-November 2024.

Goob-joogayaasha oo ka socday 12 dal kana koobnaa 20 qof oo isugu jira Ra’iisal wasaare hore, wasiiro hore iyo khuburo ku xeel dheer arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo shalay kormeer ku tagay Gobolada Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer oo ay ku soo arkeen nidaamka iyo kala danbaynta ay Shacbiga
Somaliland ay codkooda u dhiibanayeen, taas oo ay ku amaaneen shacbiga Somaliland inay ilaashadeen nabadgelyadooda, farriina u direen beesha caalamka, muujiyeena inay yihiin dal iyo dad u diyaarsan inay ka mid noqdaan dalalka caalamka ee la aqoonsanyahay.

Sidoo kale waxa ay madaxweynaha la wadaageen koob iyo toban qodob oo uga soo baxay kormeerkii ay ku tageen gobolada dalka intii ay ka gaadheen shalay, iyagoo beri oo jimce ah shir jaraa’id ku qaban doona Caasimada Hargeysa oo ay kula hadlayaan warbaahinta ka hawl-gasha Gudaha Dalka iyo kuwa caalamiga ah.

ALLAA MAHAD LEH