Heemaal News Network

M/Putin Oo Amray Dhoolatuska Nukliyeerka Ruushka Oo jawaab u ah Khatarta

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa amray in dhoolatus hubka nukliyeerka lagu sameeyo meel u dhow Ukraine taas oo ay kaga jawabayaan wax uu ugu yeereen khatarta reer galbeedka oo ah in halkaas ay ciidamo soo dhoobeen.

Afhayeen u hadlay Kremlinka ayaa si gaar ah u tilmaamay hadallada madaxweynaha Faransiiska Macron iyo madaxda Britain.

Ukraine waxay sheegtay in dhoolatuskan yahay mid socda oo Moscow ku cagajugleyneyso. Ruushka ayaa dhowr jeer ku hanjabay Nukliyeer si ay uga hortagaan taageerada reer galbeedka ee Ukraine.

Ruushku waxay sheegeen in Mareykanka iyo isbahaysigooda Yurub ay adduunka ku riixayaan in ay dagaallamaan quwadaha Nukliyeerka iyagoo hub siinaya Kiev.

Madaxweyne Vladimir Putin waxa uu u digay dalalka reer galbeed labo bilood ka hor in hadii ay toos isaga horyimaadaan isbahaysiga Mareykanka hoggaamiyo ee NATO ay ka dhigan tahay in dagaalkii III adduunka lagu dhawaaday, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid taas dooneysa.

Mareykanka iyo Ruushka waa labada quwadood adduunka ugu weyn hubka Nukliyeerka waxay haystaan in ka badan 10,600 oo madxa oo nukliyeer ah. Adduunka waxaa yaal 12,100 madaxa. Shiinaha waa dalka saddaxaad ee haysta madaxdyada Nukliyerka, waxaana ku sii xiga Faransiiska iyo Britain.