Qoorqoor iyo safiirka dowladda Turkiga ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha iyo waddooyinka.
Safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa ku amaanay Madaxweyne Qoorqoor horumarka uu gaarsiiyay Galmudug, waxa uuna safiirka ballanqaaday in dowladiisa mashaariicyo horumarineed ka fulin doonto deegaannada Galmudug.
Madaxweyne Qooqoor ayaana uga mahadceliyay safiirka dowladda Turkiga booqashada isaga iyo wafdigiisa ku yimaadeen Dhuusamareeb, waxa uuna xusay in ay rajeenayaan in Turkiga sii wadi doono taageerada ay siinayaan Galmudug , gaar ahaan masharaiicda horumarinta ee Galmudug ka socota.