Hoggaamiyaha sare ee dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya , Abu Maxamed Jolani ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay si dhammeystiran ula wareegeen magaalada Xama ee bartamaha Suuriya.
Sidoo kale Wasaaradda difaaca ee maamulka Assad ayaa ku dhawaaqday inay isaga baxeen ciidanka maamulka magaalada Xama ee bartamaha Suuriya, kaddib duullaan uga yimid dhaqdhaqaaqa mucaaradka oo la wareegay Xama.
Dhaqdhaqaaqa mucaaradka , waxay sidoo kale la wareegeen garoonka diyaaradaha militariga ee Xama , tan oo ka dhigtay inay qabsanayaan saldhiggii saddexaad ee cirka.
Bulshada magaalada Xama ee bartamaha Suuriya ayaa waddooyinka usoo baxay, iyagoo soo dhaweynaya dhaqdhaqaaqa mucaaradka la wareegay Xama, sababtoo ah magaaladan aqlabiyada waa sunni.