Heemaal News Network

Maamulka SSC-Khaatumo War ka soo saaray Dagaalkii Qudhac Dhallaan.

Buuhoodle 10 May 2024
WARSAXAAFADEED
Maamulka Degmada Buuhoodle Oo Tixraacayaa Goaamadii Ka Soo Baxay Shirkii Ay 06 APRIL 2024 Ku Yeesheen Magaalada Buuhoodle Maamulada Gobolada Iyo Degmooyinka Sool, Cayn Iyo Doollo Wuxuu Ka Xun Yahay Dhibaatadii Ka Dhacday Aaga Deegaanka Qudhac Dhalaan Oo Ka Tirsan Degmada Danood ee Gobolka Doollo.

Waxaan Tacsi u Diraynaa ehelada Dadkii Ku Dhintay Gacan Ka Hadalkaas Kuwa Dhintayna Waxaan ilaahay u Waydiinaynaa Naxariis Iyo Dambi Dhaaf intii Ku Dhaawacantayna Waxaan u Rajaynaynaa Soo Kabasho Dag Dag ah.

Si Gaar ah Waxaan uga Tacsiyaynaynaa Geerida Ku Timi Nabadoon Axmednaasir X Cabdilaahi Oo Ka Mid ahaa odoyaasha Samataliska ah ee Gobolada Cayn iyo Doollo.

Waxaan ugu Baaqaynaa Labada Dhinacba inay is Xakameeyaan Fursadna Siiyaan Wada Hadalka Iyo is Qancinta Si Looga Baaqsado Dagaal Aan La’ aqoon Dhamaadkiisa oo Sababi Kara Khasaare intan Ka Badan.

Anaga Oo Fulinayna Siyaasada Maamulka SSC Khaatumo ee Ku Dhisan Daris Wanaaga Iyo Tixgalinta Xuduudaha Waxaanu Cadaynaynaa inaysan Jirin Cid Kasoo Gudubtay Xuduudka Degmada Buuhoodle Oo Qayb Ka ah Xiisada Ka Taagan Aaga Qudhac Dhalaan.

Waxaan Soomaaliland uga Digaynaa Inuu Colaada u Dhaxaysa Soomaaliland Iyo SSC Khaatumo u Rogo Colaad Beeleed Oo Saamaysa Deegaan Kasta oo ay Daris Ka Yihiin Dadka Ku Haybta Ah Labada Maamul.

Waxaan Ka Warqabnaa in ay Xuduudka Ka Gudbeen Ciidamo Hubaysan Oo Ka Baxay Deegaanada Qorilugud, Balidhiig Iyo Coodanle ee Soomaaliland Kuwaas Oo Ku Biiray Malayshiyaadka Ka Dagaalamaya Aaga Qudhac Dhalaan Taas oo ah Talaabo Kale Oo Maamulka Soomaaliland Ku Doonayo In Deegaano Nabdoon oo Ka Baxsan Xuduudkiisa uu Ka Furo Aag Colaadeed oo Cusub.

Waxaan Kalsooni Ku Qabnaa in Dawlada Deegaanka Soomaalida itoobiya ay Ku Filantahay Xalinta Xiisad Kasta Oo Ka Jirta Gudaha Dhulkeeda Waxaanan Balan Qaadaynaa Talaabo Kasta oo ay Naga Codsadaan inaan Gacan Buuxda Siin Doonno Si Loo Xakameeyo Xiisada iminka Taagan .
DHAMMAAD