Heemaal News Network

Maamulka Trump Oo kala Direy Shaqaalaha Warbaahinta Afka Mareykanka ku Hadli jiray Oo ay ku jirto idaacadda VOA

Maamulka Trump , waxay kala direen shaqaalaha warbaahinta afka Mareykanka ku hadli jiray oo ay ku jirto idaacadda codka Mareykanka ee VOA, raadiyaha xorta ah ee Yurub iyo Aasiya.

Warbaahinta shaqaalaheeda la kala diray , ma aha kuwa caadi ah ee waa shabakado u adeegi jiray Mareykanka oo qaarkood loo adeegsan jiray ka hortagga saameynta Ruushka iyo Shiinaha , waxay door fikradeed ku lahaayeen inay sare u qaadaan maqamka Mareykanka!

Hadda waa inaad dhageysataa qof kasta oo ku sheegaya in maqaamka Mareykanka ee dunidda uu hoos u dhacayo , isla Mareykanka iyo nidaamka Trump ayaa qabanayo shaqo aysan cid kale awoodin si ay u burburiyaan saameynta Mareykanka ee dunidda!

Madaxweynaha Ruushka , Putin ayaa mar laga maqlay ; “ Ameerika ciddi ma burburin karto… laakin isla Ameerika gudaheeda ayaa is burburin karta”!

Wax u muuqda hadalka Putin, ayaa hadda laga arkaya Mareykanka ; dhab ahaantii isbeddelada iyo go’aamada lama filanka ah ee maamulka Trump ayaa beddelaya wajiga Mareykanka , ku sii socoshada xaaladaha noocan ah ayaa sidoo kale khalalaase ka dhalin karta gudaha Mareykanka!