Heemaal News Network

Madaale oo tagay Dekadda Muqdisho waxna ka bedelay Go’aab horey uu usoo saaray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay dekkada weyn ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu shir kula qaatay hey’addaha kala gedisan ee ka howlgala dekkada .

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, maamulka dekkada Muqdisho ayaa loogu hadlay caqabadaha iyo dhibaatooyinka soo noq noqday oo ay geystaan gawaarida xamuulka ee rarka kasoo qaata dekkada Muqdisho.

Shirka inta uu socday ayaa la isla gartay in la sameeyo guddi kasoo shaqeeya is-waafajinta shaqooyinka ka socda dekkada Muqdisho, waqtiga dekkada ay kasoo bixi karaan isla markaana ay geli karaan gawaarida waaweyn ee xamuulka ah iyo waqti ay gawaarida xamuulka mari karaan wadooyinka caasimadda, si loo bad-baadiyo nafta iyo maalka muwaadinka

Guddigaan ayaa shaqeyn doonna inta ka harsan bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyadoona waqtigaasi kadib lasoo saari doonno hannaanka maareynta wado marista gawaarida waaweyn ee xamuulka iyo waqtiga ay gawaarida xamuulka geli karaan, kana soo bixi karaan dekkada Muqdisho.

Shirkan ka dhacay dekadda Muqdisho ayaa imaanaya xilli uu dhawaan guddoomiye Madaale amar ku bixiyay in gaadiidka dekadda kasoo baxa ee rarka wada aysan socon karin xilliga maalintii ah, waxa uuna hadda go’aamiyay in gaadiidkaasi socdaan ilaa inta ay ka dhammaaneyso bisha Ramadaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ilhaan Cumar “inta aan Congers-ka Joogo Biyaha iyo Badda Somaliya Cid kale ma Qaadan karto”.

Heemaaln

R/Wasaare Xamse Oo Shaaciyay in Gacan Aamin ah ku jiro Dastuurka Baaq-na u diray Mucaaradka

Heemaaln

Ra’isul Wasaare Xamse Oo Furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta

Heemaaln