Madashan ayaa ujeedadeedu yahay in ay noqoto meel lagu wadaago aragtiyo, talooyin, iyo xalal wax ku ool ah oo la xiriira maamulka internet-ka.
Mudane Salah Jama ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada, dowladda iyo shirkadaha gaarka ah si loo dhiso nidaam hufan oo lagu maamulo internet-ka, taas oo horseedi karta horumar ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay madashani u leedahay dadka Soomaaliyeed oo qeybo badan oo noloshooda dhaqan dhaqaale ay ku xidhan tahay adeegga internet ka.