Heemaal News Network

Madaxa Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da Oo Gaaray Muqdisho Lana Kulmay

Madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, William Burns ayaa booqashadii labaad ku tagay caasimadda Muqdisho , muddo sannad gudaheed ah, isagoo la sheegay inuu la kulmay Madaxweyne Xasan iyo madaxa sirdoonka, Cabdullahi Sanbaloolshe, sida uu soo bandhigay Abdiaziz Golfyare oo ah wariye ka hadla arrimaha Soomaaliya oo sidan oo kale 18 bishii Jannaayo ee sannadkan 2024 u baahiyay socdaalkii Burns ee Muqdisho.

Booqashadii Jannaayo, waxaa xigtay in la soo saaray liis shaqsiyaad uu cunaqabateyn saaray Mareykanka, iyadoo booqashadan ay qeyb ka tahay socdaal ay waddamada gobolka ku marayaan labada nin ee u sarreeya sirdoonka Mareykanka iyo Ingiriiska,iyadoo madaxa MI6, Richard Moore uu booqday toddobaadkii hore Addis Ababa iyo Nairobi.