Adeegga Qarsoon ee Maraykanka (US Secret Service) waa hay’ad federaal ah oo hoos timaada Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka, iyada oo shaqadeedu tahay baaritaanka dembiyada iyo ilaalinta hoggaamiyeyaasha siyaasadda Maraykanka, qoysaskooda, iyo madaxda booqashooyinka ku taga Mareykanka.
Dhowaan waxay la kulmeen fadeexad weyn , markii iyagoo ilaalo ka haya goob uu hadal ka jeediyay la isku dayay in la dilo Trump, taa oo ugu dambeyntii keentay madaxii hay’adan inay hadda is casisho.