Maxamed Ismaaciil Darwiish, ayaa ku shaqeynaya madaxa ugu sarreeya ee xafiiska siyaasadda Xamaas, wuxuu maanta ku qaabbilay xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas, wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi oo ay ka horreysay kulan uu shalay sidan oo kale ku qaabbilay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan.
Darwiish, oo ah madaxa golaha siyaasadda ee Xamaas — waxaa la filayay inuu noqon karo qofka beddelaya Ismaaciil Haniyah, balse markaa ururka ayaa doortay Yaxye. Ilaa hadda ma jirto doorasho rasmi ah oo ururka uu bannaanka soo dhigay oo lagu buuxiyay booska Yaxye. Wuxuu Darwiish ka mid yahay xubnaha xiriirka ugu adag la leh Iran ee ka tirsan ururka Xamaas, wuxuuna ka haray xubno tiro yar oo wada-xaajoodyada la qaadan jirtay hoggaamiyaha sare ee Iran.
Xabbad-joojinta Qasa;
Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi oo maanta ka hadlay surtagalnimada xabbad-joojinta Qasa ee dhow , wuxuu yiri ; “Xabbad-joojinta Qasa waxay leedahay dhibaatooyinkeeda… Waxaa jira horumar la sameeyay oo rajo leh, laakiin sidoo kale waxaa jira caqabado”.
Israa’iil hadda waxay sare u qaaday duqeymaheeda,waxaana lumaya magaca Qasa, sabab la xiriira waxa ka socda Suuriya , tani waxay u noqotay wax ay ku iibsato Israa’iil xasuuqa ay ka geysanayso Qasa oo ay weheliso go’doomin ay ku doonayo inay ku jabiso adkaysiga dadka Qasa oo ay ku disho gaajo illaa xataa la xiray dhakhaatiirtii khibrada u lahaa qalliinada, sababtoo ah waxay doonaysa Israa’iil in kuwa ku dhaawacmay duqeymaha inay u dhintaan dhaawac, kuwa aan weerarradu haleelina loo dilo gaajo..!