Heemaal News Network

Madaxda Jarmalka Iyo Ukraine Oo ku Heshiiyay In la Qabto Shir Nabadeed Oo Ruushku Qayb ka Yahay

Hoggaamiyaha Jarmalka, Olaf Scholz ayaa ku dhawaaqay inuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy kula heshiiyay in la qabto shir nabadeed oo door laga siinayo Ruushka , si wada-hadallo ay labada dhinac u yeeshaan.

“Waxaan rumaysanahay in hadda la joogo waqtigii laga wada hadli lahaa sidii nabad looga heli lahaa xaaladdan dagaal, runtiina si dhaqso ah ayaan tan u dooneyna.” ayuu Scholz , sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa idaacadsa ZDF.

Mowqifka Jarmalka ayaa ka duwan Mareykanka iyo Ingiriiska oo soo bandhigaya in sare loo qaado taageerrada Ukraine si loo cadaadiyo Ruushka , balse natiijada aan muuqan ee dagaalka iyo Ukraine oo u muuqata dal sii lumaya , waxay u muuqata Jarmalka inuu hoggaaminayo aragti badbaado leh oo hadda u muuqata inuu la qaatay Zelenskiy ,si wada-hadal nabadeed Ruushka loogu yeero.