Booqashada hoggaamiyaha SSC Khaatumo ugu tagay Madaxweyne Qoorqoor , ayaa ahayd salaan iyo is-xogwaraysi, waxa ayna labada masuul iska xaal wareesteen xaaladaha ka jira labada maamul ay kala hoggaamiyaan .
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, ayaa si weyn ugu mahadceliyay Madaxweynaha maamulka Galmudug, isagoo sidoo kalana ku ammaanay doorka shariifka ah ee ku qaadanayo dadaalada dib-udhiska dowladnimada Soomaaliya.
Madaxda maamulada Galmudug iyo Khaatumo, ayaa magaalada Muqdisho usoo gaaray ka qwyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dib uga dhacay xilligii la qorsheeyay, waxaana la filayaa in shirka maalmaha soo socda ka furmo Muqdisho, xilli ay ka maqan yihiin maamulada qaar.