Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa warsaxafadeedkooda ku cadeeyay iney dhimatay Madashii Golaha Wadatashiga Qaranka, islamarkaana madaxweyne Xasan Sheekh uu la weecday doorkii laga sugaayay ee ahaa isku keenida dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Warsaxafadeedka ayaa si weyn loogu eedeeyay in madaxweyne Xasan Sheekh inuu doorbiday kooxaysi siyaasadeed, halkii laga filaayay inuu noqdo hoggaamiye qaran.
“Dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag, wuxuuna wajahayaa caqabado culus, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga filayey martigelinta gogol qaran oo ay iskugu yimaadaan dowladda federaalka, dhamaan dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si looga hortago kooxaha argagexisada, xalna looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay beddelka dastuurka, doorashooyinka, iyo tayo xumida maamul ee sababtay guul darrooyinka ciidanka xoogga dalka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.
Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka loogu digay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka waan toobo falal ay ku sheegeen “fidno abuur” uu ka wado maamulka Jubbaland oo ay sheegeen inuu ku haayo caburin la xariirta madax bannaanida maamulkaasi.
Warsaxafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah ugu saxiixan 16 masuul oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo sida madaxweyne, Raysal Wasaarayaal, Wasiirro, Ambassadoro, iyo Hoggaamiyeyaal siyaasadeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Raysal wasaareyaashii hore ee Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.
Madaxda warsaxaafadeedka saxiixay waxay si gaar ah ugu baaqeen madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed iney shacab kooda ixtiraamaan, maadaama uu dhamaaday mudo xileedkooda, islamarkaama looga baahan yahay iney qabtaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, kana fogaadaan iney Madaxweyne Xasan Sheekh ku garab siiyaan dadaalada lagu wiiqayo nidaamka Federaalka ah ee dalka.