Ugu horeyn, Hoggaamiyaha ayaa odeyaasha dhaqanka iyo shacab weynaha Gobolka Awdal ba ku bogaadiyey doorka shariifka ah ee ay ka qaadanayaan ilaalinta midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed. Isagoona ku dhiirrigeliyey inay sii labajibbaaraan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen ugana tashan lahaayeen aayahooda iyo masiirkooda.
Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ayaa Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo iyo shacabka SSC-Khatumo ba ugu hambalyeeyey guushii taariikhiga ahayd ee ay gaadheen 25-kii August-2023, iyo sidii qaayaha lahayd ee ay shacabka SSC-Khaatumo dhulkooda uga nadiifiiyeeen cadawgii ku hawlanaa kala gaynta Ummadda Soomaaliyeed.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in shacabka SSC-Khaatumo ay diyaar u yihiin taageerada cid walba oo u taagan midnimada iyo ilaalinta wadajirka Ummadda Soomaliyeed, garabkoodana ay taaganyihiin.