Shirka waxaa ka qaybgalay hey’adaha adduunka ee Cadaaladda, Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda, Ururrada iyo Khubarada Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda ee Midowga Europe iyo dalalka ay dagaaladu ku danbeeyaan.
Shirka oo diirada lagu saaray sida ay isugu xidhanyihiin Nabadda, Xasilloonida iyo Cadaallada ayaa Wafdiga Hoggaamiyaha waxa ay soo bandhigeen Istiraarijiyadah looga hortagi karo xasuuqyada iyo danbiyada ka dhanka ah bulshada rayid ka ah kasoo kabashada colaadaha, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Madaxwaynaha iyo Wafdigiisa ayaa sidoo kale kulamo la leh Madaxda Hey’adaha Garsoorka iyo Xuquuqda aadanaha Dalka Talyaaniga, iyadoo Hoggaamiyuhu uu si gaar ah u arkay Madaxweynihii hore ee ICC Marwo Silvia Fernandez de Gurmendi.