Madaxweynaha Mareykanka ee xilka ka deggaya,Joe Biden ayaa lagu wadaa gelinka dambe ee maanta waqtiga Mareykanka inuu ku dhawaaqo heshiis xabbad-joojin ah oo ay wada oggolaadeen Israa’iil iyo Xisbullah, kaasoo dhaqangeli kara maalinta Arbacad ee berri , sida ay sheegtay shabakadda Axios.
Warbixinta ma sheegin heshiiska inay ku jirto Qasa, balse si cad soo jeedinta waxay ahayd mid ku eg xabbad joojinta Lubnaan, haddii ay qaadato Xisbullah heshiis xabbad-joojin ah oo aysan ku jirin Qasa, markaa waxaa dhacay isbeddel — iyadoo Israa’iil ay helayso oggolaanshihii u dambeeyay ee dhammeystirka xasuuqa Qasa..!