Xubnaha Golaha Wasiirrada Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Madaxweyne Mustafe Muxumud Cumar magacaabista iyo isku shaandhaynta ku sameeyay iyo sida BEELAHA & QABIILADU u kala heleen.
1. Md. Axmed Miraad Leyli, Wasiirka Xafiiska Biyaha. Hayb ahaan waa Ogaadeen, Cabdale.
2. Md. Ahmed Shugri, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha. Hayb ahaan waa Jidwaaq, Bartire
3. Md. Faaruuq Xaaji Warfaa, Wasiirka Xafiiska Qorsheynta Iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Hayb ahaan waa Ogaadeen, Reer Cabdille.
4. Md. Abdikadir Rashiid Ducaale, Hogaanka Nabadgeliyada. Hayb ahaan waa Dir, Gurre.
5. Md. Dayib Ahmed, Wasiirka Xafiiska Maaliyada. Hayb ahaan waa Ogaadeen, Cawlyahan.
6. Md. Abdiqadir Iimaan, Wasiirka Horumarinta Xoola Dhaqatada Iyo Reer Guuraaga. Hayb ahaan waa Sheikhaal.
7. Md. Ahmed Naaji, Wasiirka Xafiiska Cadaalada. Hayb ahaan waa Hawiye, Karanle
8. Md. Abdullahi Muuse. Wasiirka Xafiiska Beeraha. Hayb ahaan waa Majeerteen, Reer Biciidyahan.
9. Md. Maxamed Sheekh Aadan, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada. Hayb ahaan waa Ogaadeen, Reer Cabdile.
10. Md. Qaybdiid. Wasiirka Xafiiska Arrimaha Bulshada. Hayb ahaan waa Ogaadeen, Cawlyahan.
11. Md. Maxamed Cali Kunaay, Wasiirka Xafiiska Tamarta iyo Macdanta. Hayb ahaan waa Garre.
12. Md. Maxamed Daahir (Guray) Wasiirka Xafiiska Warfaafinta. Hayb ahaan waa Gerikoombe.
FG. Kama dhigna Qabyaalad ee waxay ka turjumaysaa inaad si fudud u fahamto metelaada beeshaadu ka heshay masuuliyiintan cusub ee Madaxweyne Mustafe magacaabay.
W/Q: Mohamed Yusuf Bakayle