Heemaal News Network

Madaxwayne Ciro Oo Caawa la Kulmay Hogaamiyaha Mucaaridka Kenya Oding

Waxa ay ii tahay sharaf weyn in caawa anniga iyo wefdigeyguba uu kulan sagootin ah hoygiisa noogu sameeyey Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya, siyaasiga weyn, ahna mid ka mid ah saaxiibada qaaliga ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay, Mudane Raila Amolo Odinga.

Waxa aan si qoto dheer uga wada-hadalnay xidhiidhka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa Mudane Raila Odinga iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, waxa aanu isla meel dhignay fursadaha iskaashi ee ka dhexeyn kara Somaliland iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, isu socodka, horumarinta aqoonta, iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee gobolka.

Waxa aan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Mudane Raila Odinga sida diirran, xushmadda leh, ee uu noogu qaabilay hoygiisa, taas oo marag u ah qaddarinta iyo xidhiidhka gaarka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya.