Heemaal News Network

Madaxwayne Ciro Oo Madaxtooyada ku Qaabilay Denjiraha Dawladda Finland

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Nelli Mikkola oo ah Danjire-ku-xigeenka Dawladda Finland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya’

Kulanka waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac u dhexeeya, gaar ahaan xagga adkaynta nabadaynta, horumarka bulshada iyo adkaynta mabaadi’da dawlad wanaagga.

Madaxweynuhu waxa uu Danjire-ku-xigeenka uga mahad-naqay taageerada soo jireenka ah ee ay Dawladda Finland u fidiso dadka reer Somaliland. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in Somaliland ay mudnaanta koowaad siinayso adkaynta nabadda iyo xasilloonida mandaqada iyo sidii loo sii wadi lahaa xallinta khilaafaadka taas oo ku salaysan wada-hadal iyo is af-garad”