Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa maanta Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito.
Kulankan oo ahmiyad gaar ah u lahaa labada dhinac ayaa ahaa mid lagu sii xoojinayo xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Danjire Teshome waxa ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo ka wada shaqaynta arrimaha Amniga Gobolka iyo is-dhaafsiga xogaha si looga hor tago wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida labada dal ee deriska ah.
Labada dhinac waxa ay caddeeyeen in ay ka go’an tahay sii xoojinta arrimaha diblomaasiyadda iyo joogtaynta kulanno wax tar u leh labada dhinacba. Sidoo kale, Madaxweynaha JSL iyo Danjiraha Itoobiya u fadhiya Somaliland waxa ay ka wada hadleen in mudnaan gaar ah la siiyo fududaynta iyo tayaynta ganacsiga u dhexeeya labada dal, iyada oo diiradda la saarayo hagaajinta habraacyada kastamka iyo kordhinta isticmaalka Dekedda Berbera.
Ugu dambayntii, labada dhinac waxa kale oo ay ka wada hadleen in laga wada shaqeeyo arrimaha xagga socdaalka iyo isu-socodka. Kulanku waxa uu ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad.