Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay dhakhaatiirta daaweynaysa Ciidanka, isagoo si gaar ahna xaaladooda u weydiiyay ciidanka kusoo dhaawacmay hawlgalka Hillaac.
wuxuu la wadaagay Madaxweynuhu in si dhameystiran loo daaweynayo, xitaa dalka dibadiisa loogu qaadayo daaweynta hadii loo baahdo.
Waxaa booqashada Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud Ahna Taliyaha Ciidanka PMPF Gen. Cabdirabi Cabdisamed iyo Saraakiil Madaxtooyo.