Heemaal News Network

Erdogan Oo Shaaciyay inuu Taageerayo Lubnaan hadii Israa’iil Weerarto.

Madaxweyne Erdogan, hadalkii uu u jeediyay Xildhibaannada xisbigiisa AK Party, wuxuu u xaqiijiyay inuu Turkiga taageerri doono Lubnaan haddii ay weerar kala kulmaan Israa’iil, isagoo sheegay inay tahay wax laga ‘naxo’, taageerrada reer galbeedka ay siinayaan Israa’iil , taa oo uu ku sheegay inay fududeynayso inuu dagaalka ku baaho bariga dhexe.

“Waxay u muuqataa in Israa’iil ay hadda indhaha u jeedisay Lubnaan ka dib markii ay burburisay oo gubtay Qasa. Waxaan aragnaa dalalka reer galbeedka oo taageero siinaya Israa’iil daaha gadaashiisa… Qorshayaasha Netanyahu ee ah inuu dagaalka ku fidiyo gobolka waxay horseedi doontaa masiibo weyn… Turkigu wuxuu garab taagan yahay shacabka walaalaha ah iyo dawladda Lubnaan. Waxaan ugu baaqayaa dalalka kale ee gobolka inay garab istaagaan Lubnaan,” ayuu yiri Erdogan.

Xiisadaha xudduudaha ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah ayaa sare martay toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo kicisay cabsida laga qabo dagaal toos ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah ah.

Horraantii toddobaadkan, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan ayaa sheegay dawladda Turkiga inay aragtay khatarta ah in colaaddu ay faafto, isagoo ka hadlaya xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah.