Madaxwayne ku xigeenka SSC-Khaatumo oo ka hor yimid Magacaabis maanta uu ku dhisey Madaxwaynaha Maamulka SSC-Khaatumo Maamulka Gobolka Cayn
War saxaafadeed uu daabacay xafiiska hogaamiye ku xigeenka maamulka SSC-Khatumo H.E Mohamed Abdi Ismail Shiine ayaa u dhignaa sidan
“Anigoo ah Hogaamiye kuxigeenka SSC-Khaatumo waxaan halkan ka cadeynayaa in Magacaabista hogaamiyaha ee Gobolka Cayn uusan igala samayn latashi islamarkaana ka turjumayn waaqaca gobolka iyo ka SSC-khaatumo, sidaa darteed maaha dhaqangal sharci.
Waxaan aad uga xumahay iyadoo shacabka SSC-khaatumo marayo marxalad gaar ah oo u baahan wadatashi inuu hogaamiyuhu qaatay hannaanka keligi talisnimo.”