Heemaal News Network

Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Oo War kasoo Saaray Xaalada Ceerigaabo.(Sawiro)

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku jooga Magaalada Ceerigaabo, xarunta Gobolka Sanaag, ayaa maanta kullan ballaadhan la yeeshay Madax -dhaqmeedka Gobolka Sanaag. Kulankaa isaga ah waxa la iskaga xog wareystay xaalada Gobalka Sanaag iyo sidii looga wada shaqayn lahaa guud ahaanba nabadaynta Gobolka, gaar ahaana xaalada Magaalada Ceerigaabo.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay masuuliyiinta waftiga Madaxweyne ku-xigeenka JSL, kuwaas oo si qoto dheer uga xog warramay ujeedada safarkoodu iyo doorka looga baahan yahay madax dhaqmeedka Gobolka Sanaag in ay ka qaataan hawlaha nabadaynta Gobolka Sanaag, gaar ahaa Magaalada Ceerigaabo.

Dhanka kalena xubno ka mid ah madax dhaqmeedka Gobolka Sanaag oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday mihiimmada ay nabadu u leedahay aadamaha, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in ay diyaar u yihiin sidii ay weftiga Madaxweyne ku-xigeenku JSL uu hoggaaminayo ugala shaqayn lahaayeen hawlaha ay u socdaan ee nabadaynta Gobolka Sanaag gaar ahaana Magaalada Ceerigaabo.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuradda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ugu dambeyntii ka hadlay ayaa bulshada reer Sanaag uga mahadnaqay soo dhawayntii ballaadhanayd ee ay ku maamuuseen, waxana uu shaaciyey in Xukuumadda Cusub ay ka go’an tahay in Gobolka Sanaag laga fulliyo mashaariic horumarineed oo aad u ballaadhan.

Ugu dameyntii kulankan uu Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi uu la yeeshay Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag, ayaa ku soo dhammaaday is- af-garad iyo in si buuxda loogu midoobo sidii looga wadda shaqayn lahaa arrimaha nabada Goobolka Sanaag iyo xasilinta Magaalada Ceerigaabo.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝