Heemaal News Network

M/Puutin Oo soo Bandhigay Sharuudo Uu ku Joojin karo Dagaaka Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa goor dhow soo bandhigay hindise uu sheegay haddii la fuliyo inuu joojinayo duulaanka Ukraine.

Putin ayaa ku xiray Ukraine iyo reer galbeedka si dagaalka loo joojiyo inay fuliyaan shuruudaha Ruushka ee kala ah ;

Ukraine inay ciidankeeda ka saarta afar gobol oo kala ah ; Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporozhye oo uu ku sheegay aftidii laga qaaday inay ku biireen Ruushka,

waxaa kalo uu ku xiray si wada-hadallo loo billaabo inay Ukraine ka tanaasusho doonisteeda ku biiritaanka NATO iyo inay dalalka reer galbeedka cunaqabateynta ka qaadaan Ruushka , isagoo ku hanjabay haddii Ukraine iyo reer galbeedka ay diiddan hindisahan cusub inay xaaladdu sii xuman doonto oo Ruushka uu la imaanayo shuruudo kale.