Heemaal News Network

Madaxwayne Trump Oo ka Hadlay Maxaabiista Maanta la sii Daayay Ee Israa’iil

Madaxwayne Trump, oo ka hadlay maxaabiista maanta la sii daayay ee Israa’iil oo uu ku jiray muwaadin Mareykanka ah , wuxuu yiri ; “Israa’iil waa inay hadda go’aan ka gaartaa waxa ay ka yeeli doonto waqtiga kama dambaysta ah ee 12-ka duhurnimo ee maanta si loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay. Maraykanku wuu ixtiraami doonaa go’aan kasta oo Israa’iil gaadho.”

Hadalka wuxuu daba socdaa, hadalkii uu Trump sheegay toddobaadkii hore, markii Xamaas ay sheegtay inay joojinayso sii deynta maxaabiista , sabab la xiriirta inay Israa’iil ku kacday ficillo jabinaya heshiiska , markaa oo Trump uu ku hanjabay inuu cadaab ka dhalin doono Qasa , haddii aan dhammaan la sii deyn Sabtida maanta , maxaabiista , kumana jirto heshiiska in dhammaan la sii daayo hal waqti maxaabiista!

Marka la tixraaco inuu Trump , taageerrayo go’aan kasta oo ay Israa’iil qaadato, waa wax u dhigma inuu bixiyay ikhtiyaar ay dib ugu laaban karto dagaalka, si fudud waa in go’aanka uu horyaalo Netanyahu ! Tan waxaa kalo ay ku soo aadaysa xilli la sugayo mowqif ‘adag ‘ oo uu sheegay Trump inuu ka qaadanayo Qasa.