Heemaal News Network

Madaxwayne Xasan Oo Tacsiyeeyay Saraakiisha Imaaraadka Ee Lagu Dilay Muqdisho

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Hosbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaratka ee galabta ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Gorod ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan mug weyn oo degdeg ah ay ka soo sameeyaan gaabka amni iyo duruufaha ku xeeran dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”.

DHAMMAAD

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Imaaraatka Oo Dhisaya Ciidamo Calooshood u Shaqeystayaal Uu ku Xoojinayo Awooddiisa Militari Ee Yemen iyo Somaliya

Heemaaln

Booliiska Muqdisho Oo Raadinaya Hooyo iyo Wiilasheeda Oo Dil Argagax leh Geestay

Heemaaln

Biixi: Godobta Dilka Dahable Iyo Xildhibaanku Xasan Sheekh Bay Saaran Tahay

Heemaal